Manchester United oo sii Xajisatay Hogaanka Premier League.
Kooxda Manchester United ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Wolves oo marti loo ahaa ka dib markii ay shan gool iyo waxba ku xaaqeen iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta uu Wolves casaan ka qaatay Zubar.
Ciyaaryahan Jonny Evans ayaa hogaanka u dhiibay United daqiiqadii 21aad ee ciyaarta, waxaana goolkaasi ka dib casaan la siiyay Zubar daqiiqadii 39aad taasoo keentay in Wolves lagu xaaqo goolal kale.
Javier Hernandez ayaaana labo gool kale ku sii quusiyay kooxda Wolves qeybtii labaad ee ciyaarta.
Guushaan ayaa waxa ay la micno tahay inay Man United hogaanka ku qabato 4 dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Manchester City inkastoo United ay kulan sii hor ciyaartay.
Red Devils waxa ay leedahay haatan 70 dhibcood 29 kulan oo ay ciyaareen, halka Man City ay leedahay 66 dhibcood 28 kulan oo ay ciyaareen.
View:391
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=1617