|

Linda Lou Taylor oo dooneysa in ay guursaneyso ninkii 24-aad

Linda Lou Taylor waa haweyney 68 sano jir ah, una dhalatay dalka Maraykanka sidoo kale-na waxa loo-yaqaanaa Linda Wolf waxa ayna dooneysaa in ay gasho guurkii 24-aad, iyadoo horey u soo guursatay 23 nin oo kala duwan.

Mrs Linda raggii ay horey u soo guursatay ayaa waxaa kamid ahaa sida Dambiile, Taajir, Faqiir, Khaniis, Baadari, Kabal-yeeri iyo kuwo kaloo badan.

Hadaba haweyneydaan ayaa waxay dooneysaa nin ay guursatay, iyadoo shaaca ka qaaday in’ay dareemeyso cidlo, bacdamaa ay tahay Garoob.

Dhanka kale guurkii ugu dheeraa ee soo mara Linda ayaa wuxuu qaatay 7 sano, halka kii ugu yaraana uu qaatay 38 saacadood.

Guurkii ugu danbeeyay ee soo mara Linda ayaa waxay guursatay ninkii adduunka ugu guurka badnaa ee “GLYNN SCOTTY, kaasoo horey u soo guursaday 29 xaasas, halka ay Linda ka noqotay xaaskii 30-aad ee soo mara Mr Glynn.

Linda iyo Glynn oo nolol macaan ku nool ayuu geeriyooday Mr Glynn, taasoo ka dhigtay Linda mid ilaa iyo hada cidla dareymeysa.

Si kastaba ha’ahaatee Linda hada waxay ku nooshahay gobolka Indiana ee cariga maraykanka, waxayna degan tahay guri cidlo ah, iyadoo dooneysa ninkii ay nolosha la-wadaagi laheyd.

View:718

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=179

Posted by on Jan 11 2012. Filed under Science. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...