Kulan looga soo horjeedo Mahiga oo ka dhacay Muqdisho
Kulankan ayaa waxaa looga soo horjeeday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Philip Mahiga waxaana isugu ymid Odayaal iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa xildhibaannadii kulanka maanta ka soo qeyb galay ayaa wuxuu sheegay in soomaaliya xilligan ay marayso maraxalad xun islmarkaana Soomaaliya gacanta loo galiyay dad cadow ah.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa wuxuu tilmaamay in Soomaaliya loo baahan yahay in ay ka tashadaan aayahooda wuxuu carabaabay in dadka Soomaalida laga doonayo in ay isku yimaadaan oo ay wada hadlaan iyadoo uu xusay in soomaaliya ay leedahay taariiq dheer oo lagu xasuusto halgamayaal Soomaaliyeed.
Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ah Guddoomiyaha majmaca culumadda Soomaaliyeed oo goobta isna ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in soomaaliya waqtigan ay ku jirto maraxalad adag isaga oo sheegay in Mahiga uu faraha kula jiro siyaasada dalka Soomaaliya sida uu sheegay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in marxaladda hadda dalka ka jirta ay tahay mid sharci darro ah islamarkaana guddoonkii baaralamanka ee la casilay uu sheegay in uu ku adkaysanayo in uu yahay guddoomiyaha baaralamanka.
Kulanka Maanta wuxuu imaanaya iyadoo qaar ka mid ah Odayaasha Muqdisho ay sheegeen inay kasoo horjeedaan ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Augustine Mahiga.
View:117Short URL: http://www.somalpost.com/?p=1963