|

DKMG Somalia oo loo tababaray ciidamo horleh

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sayd Axmed Sheekh Daahir ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ee tababarka lagu siinayo Uganda oo ah kuwa Milatari ah ay tababarka siinayaan dowladda Uganda oo gacan ka heleysa dowlade kale oo Yurub ka tirsan, isagoo sheegay in haatan mudo 6 bilood uu tababarka u socda waqti aan dheereena ay soo gaari doonaan soomaaliya.

Sayd Axmed Sheekh Daahir oo aan weydiinay waxa ciidamadaani ay ka badali karaan Soomaaliya iyadoo kuwa badan oo dalka dibadiisa lagu soo tababaray aysan wax badan ka qaban Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in taasi uusan aaminsaneen oo ciidamada dowladda ee ku tababarta dalka Uganda ay yihiin kuwa gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, isagoo xusay in rajo wayn uu ka qabo in ciidamadaani ay wax badan ka qaban doonaan dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidamadaani ayaa waxa ay qeyb ka yihiin ciidamo marar badan dowladda KMG Soomaaliya loogu soo tababaray dalka dibadiisa lamana oga waxa ay ka badali doonaan xaaladda dalka Soomaaliya oo ay jiraan dhibaatooyin aad u adag.

View:197

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=1969

Posted by on Apr 16 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...