Wada hadalka lala galayo Somaliland oo lagu sheegay fursad
Ismaaciil Hure Buubaa oo mar ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay fursad tahay Wada hadalka Somaliland iyo Dowladda KMG Soomaaliya.
Wuxuu ugu baaqay Dowladda KMG Soomaaliya inaysan dhumin fursadaan ayna siday tahay uga faa’iideystaan sida uu sheegay.
Sidoo kale Ismaaciil Hure Buubaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Dowladda KMG Soomaaliya uu xil saaran yahay kaa oo ah inay si wanaagsan uga faa’iideysato wada hadalkaa oo aysan lumin fursada ay haysato.
Maamulka Somaliland oo markii ugu horeysay sheegay inay wada hadal la galayaan Dowladda KMG Soomaaliya ay ah mid muujinaya ififaalo nabadeed iyo isu soo dhawaasho waxaana arrintaa si aad ah u soo dhaweeyey masuuliyiin iyo siyaasiyeen ka soo jeeda Dowladda KMG Soomaaliya.
View:169Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2011