|

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka soconaya duleedka deegaanka Afmadow

Sida ay kusoo waramayaan warar hordhac ah oo ka imaanaya Jubooyinka ayaa sheegay in halkaasi ay ka jirto Dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh gaar ahaan deegaanka Afmadow.

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan duleedka degmada Afmadow.

Dhinaca kale Al-shabaab oo ka arimiya degmada Afmadow ayaa iyaguna dhankooda wada diyaar garow ay ugu jiraan iska caabinta hadii uu dhinaca ciidamada huwanta ah weerar kaga yimaado.

Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan xaaladda, waxaana soo food saartay cabsi xooggan oo ay ka qabaan in dushooda uu ka dhaco dagaal ay waxyeelo kasoo gaarto.

Duleedka Afmadow oo ay todobaadyadii u danbeeyey dagaalo ka dhacayeen ayaa xiligan ah mid ay ka jirto saan saan colaadeed oo xoogan.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay in iyaga iyo xulafadooda Kenya ayka go’an tahay inay gaaraan degmada Afmadow.

Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay iska difaaci doonaan duulaan walba oo kaga yimaada dhinaca ciidamadaas huwanta ah islamarkaana ay waxyeelo soo gaarsiin doonaan.

Dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay duleedka degmada Afmadow oo fariisin muhiim ah u ah Al-shabaab ayaa sababay in ciidamada huwantu ay usoo ruqaansadaan dhinaca Afmadow oo ay hadda wax yar u jiraan.

View:205

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2022

Posted by on Apr 21 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...