|

Meydka wiil yar oo ku soo caariyay xebta Liida

Maamulka Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa sharraxaad ka bixiyay Wiil dhallinyaro ah oo ay meydkiisa Badda soo Tusftay saakay, isagoo dhanka kale sheegay in ehellada wiilkaasi xiriir la sameeyeen si meydka loo asturro.

Guddoomiyaha degmada C/casiis Cabdullaahi Xuseen Fanax oo ayaa sheegay in wiil dhallinyaro oo da’diisu lagu qiyaasay dhowr iyo Tobad jir ay meydkiisa saakay arroortii soo tuftay Badda, kaddib markii shalay galinkii dambe ay Badda la tagtay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shalay illaa xalay ay dadaal badan sameeyeen oo ay Badda ka howlgalliyeen ciidammo Boolis ah iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo Naaquudayaal ah, si loo hello nolol iyo geeri wiilka ay Badda qaaday, balse nasiib darro isaga oo meyd ah saakay ay Badda dib u soo celisay.

Dhinaca kale Cabdullaahi Xuseen Fanax guddoomiya degmada C/casiis ayaa tilmaamay in xiriir Qadka Telefoonka ah ay la sameeyeen wiilka meydkiisa la hellay ehelladiisa, si ay u yimaadaan, kaddibna meydka loo asturro.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xeebta liido ay u diyaarriyeen ciidammo Boolis ah oo dadka Soomaaliyeed ee u soo dabaashaad tagga Badda uga illaaliyaan khatar shil keeni karta, waxa uuna ugu baaqay dhallinyara Soomaaliyeed in ay digtoonaadaan xilliyada ay Badd Kacsan tahay.

View:262

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2024

Posted by on Apr 22 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...