|

Saraakiisha DKMG Somalia oo faahfaahin ka bixiyay qarixii xalay ay fashaliyeen

Taliyaha Hay’adda dambi barista dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay in ay fashiliyee ciidamadood qarax ay damacsanaayeen Kooxda Al Shabaab in ay ka gaysato Xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho kadib markii sida uu sheegay ay miinadaasi ku qaraxday, isagoo sheegay in ay qabteen dadkii miinada dhigayay oo gaarayay 3 ruux iyaga oo dhaawac ah.

Gaashaale Sare C/laahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay dhinaca kale in ay bilaabeen howlgal habeen iyo maalin ah oo ay ku sugayaan amaanka magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay ku baarayaan dadka iyo gaadiidka.

Shalay ayey ahayd markii dowladda KMG Soomaaliya ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay gaari hub siday kaasi oo la sheegay in uu ku wajahnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Barri halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku sugan yihiin Al Shabaab.

View:195

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2026

Posted by on Apr 22 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...