|

Alshabaab Oo faahfaahin dheeri ka bixisay hubkii dhawaan ay kasoo qufeen deegaanka Siinka dheer

Kooxda Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay hub ay dhawaan kala baxeen guri ku yaala deegaanka Siinka dheer ee duleedka ka ah magaalada Muqdisho islamarkaana ay sheegeen in halkaasi lagu qarinayay hubkaasi.

Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan sida uu sheegay hub in muddo ah lagu qarinayay duleedka Magaalada Muqdisho.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in hubkaasi lagu qariyay guri ku yaala Siinka dheer halkaasi oo sida uu sheegay dhulka hoostiisa lagu qariyay god dhirirkiisa uu ku sheegay lix mitir halka balaciisa uu ku tilmaamay afar mitir.

Afhayeenka dhanka howlagallada Ururka Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hubkaasi ay isugu jireen rasaas, hubka lagula dagaalamo taangiyada iyo sidoo kale ay ku jiraan dareyska ciidanka Militariga.

Abuu Muscab ayaa ka dhawaajiyay in hubkaasi ay gacanta ku hayaan Ururka Al-shabaab islamarkaana ay geeyeen sida uu hadalka u dhigay meel ammaan ah oo ay shabaab maamulaan.

Wuxuu carabaabay in ciddii sheeganaysa hubka sida uu sheegay Ururka Al-shabaab ay diyaar u yihiin inay ka garbaxaan oo ay kuwada hadlaan garsoorka Maxkamadaha Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Ururka Al-Shabaab hubkan ay kala baxeen guri ku yaala deegaanka siinka dheer ee duleedka Muqdisho waxaana Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah saraakiisha Ururka Alshabaab oo dhawaan hadal jeediyay uu sheegay in hubkaasi ay leeyihiin dad muslimiin ah islamarkaana aan loo baahnayn in qaadashadiisa lagu dagdago sida uu hadalka u dhigay.

View:193

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2027

Posted by on Apr 22 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...