Cali dheere ” Inshaa Allah dhawaan ayaan la wareegi doonaa Puntland”
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Andulus ee ku hadasho afka Al-Shabaab waxa uu sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan Maamulka Puntland.
Cali Dheere ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole in dhowaan Shabaabka ay talada kala wareegi doonaan.
Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto sidoo ay u gaari lahaayeen dhamaan deeganada Puntland.
Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo Buuraha Golis ay ku suganyihiin dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Cali Dheere ayaa ku faanay in Al-Shabab ay awood u leeyihiin in ay isku qeybiyaan Koofur iyo Bari oo uu ule jeeday Deeganada Puntland.
Dhowaan ayay eheed markii Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay u soo guureen Deegaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Golis.
View:184Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2036