Amaanka Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo la adkeeyay
Xaalada amaan ee Safaarada Dowlada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay kadib markii xalay qarax uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta.
Qaraxa ayaa ahaa miino nooca gacanta laga tuuro ah taas oo sababtay qasaarooyin dhaawac ah.
Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Dadka deegaanka Sedex qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo kusugnaa meel aan ka dheereyn halka qaraxa uu ka dhacay.
Ciidamo badan ayaa la dhoobay xarunta hore ee safaarada iyadoona Kooxihii qaraxa gaystay ay goobta isaga baxsadeen.
Rasaas Xoogan ayaa la maqlayay qaraxa kadib taas oo ahayd mid ay fureen Ciidamada Dowlada ee ilaalada ka ahaa xarunta safaarada.
Saraakiil Soomaali ah oo katirsan Xafiiska Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in amaanka safaarada si weyn loo adkayn doono.
Dhawaan Dowlada KMG ayaa si toos ah ula wareegtay amaanka dhamaan xarumaha Turkiga ee Muqdisho.
Kooxo hubaysna ayaa Madaxii Shaqaalaha ahaana Tarjubaankii safaaradaas Turkiga ee Muqdisho toogtay.
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2037