|

Xiisado dagaalo oo ka taagan maanta Garbaharey iyo Baardheere

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaalia ay halkaasi ka taagantahay xiisado colaadeed oo aad uxoogan. Ciidamada isgarabsanaya ee Dowlada KMG iyo kuwa Kenya ayaa ujihaystay deegaano katirsan Gobolkaas oo ay Shabaab ku xoogan yihiin.

Deegaanada Xiisadaha dagaal ay ka jiraan ayaa waxaa kamid ah deegaano kudhow magaalada Garbaharey iyo Magaalada Baardheere.

Diyaarado Dagaal ayay dadka deegaanka sheegeen in ay qabsadeen hawada deegaanada kudhow Baardheere iyo Garabaharey oo ay isku horfadhiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Shalay ayaa waxaa uu dagaal xoogan ka dhacay deegaano xariiriya Baardheere iyo Ceel-Waaq.

Dagaalkaas ayaa gaystay dhimasho kabadan ilaa 10 kamid ah dhinacyada dagaalamay iyo dhaawaca intaas ka badan.
Saraakiisha Dowlada KMG ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen askar aad ubadan oo Shabaab ah.

View:261

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2047

Posted by on Apr 28 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...