|

CID-da & FBI-da oo ku wareersan nolol & Geeri Al-imriikii

Warar ay soosaareen hay’adaha sirdoonka wadanka Maraykanka sida CIA,da iyo FBI,da ayaa waxaa ay ku sheegeen warar ay baahiyeen Xarakadda Al-Shabab oo ku aadanaa inuu nool yahay Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amriki oo horey Maraykanku u sheegay in Shababku dileen.

Saraakiil ka tirsan CIA,da Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaano ku samaynayaan waxa ka jira hadalka Al-Shabab ee ku saabsan in Abu Mansuur noolyahay iyo in kale waxaana ay intaa ku dareen inay xaqiijin wadaan.

Wargaysyada Maraykanka qaarkood ayaa qoray inuu jiro tuhun xukuumadda Obama ka qabto nolosha Abu Mansuur Al-Amriki.

Dhawaan Xarakadda Al-Shabab warbaahinta taageerta waxaa lagu qoray war ku saabsan inuu noolyahay Cumar Xamaamis oo loogu yeero Abu Mansuur Al-Amriki una dhashay wadanka Maraykanka hase ahaatee ka garab dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

Maraykanku waxaa uu horey u sheegay in Abu Mansuur iyo xubno kale oo Shababka ka tirsanaa lagu dilay qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya kadib markii uu baahiyay cajal muuqaal ah oo uu ku sheegayay inuu qabo cabsi ah inay Shababku dilaan kadib markii ay isku khilaafeen Siyaasada iyo Shareecadda.

View:209

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2076

Posted by on May 1 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...