Sirdoonka Kenya oo heegan la galiyay & Qaraxyo la filayo in ay dhacaan..WAR-HOOSE
Warar hoose oo aan ka helayno Sirdoonka wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidanka sida gaarka loo tababaray ee hoos taga laamaha sirdoonka wadankaan xiligaan la galiyay heegankii ugu sareeyay ka dib markii ay soo gaartay digniino ku aadan in qaraxyo xoog leh ay ka dhici doonaan wadankaan oo lala beegsanayo goobaha dadka ay isugu yimaadaan xiliyada fasaxyada.
Saraakiil lagu kalsoonyahay ayaa ii xaqiijiyay in qaraxyadaasi laga yaabo in ay ka dhacaan gaar ahaan magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi oo ka mid ah goobaha ugu badan oo ay ku yaaliin safaaradaha iyo goobaha lagu tamashleeyo ee wadankaan.
Dhamaan laamaha sirdoonka iyo kuwa sida gaarka ah ayaa la arkayaa ayagoo roondooyin aan kala joogsi laheyn ku haya daafaha magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa oo haatan dhawaqa digniinta ah ay ku aadantahay waxaana jira ciidamo badan oo dhar-cad ah oo lagu soo daadiyay xaafadaha Soomaalida ay u badanyihiin oo ay rumeysanyihiin in ay garab siinayaan dadka doonaya in qaraxyo ay ka geestaan wadanka Kenya xiligaan.
Soomaalida guud ahaan ku dhaqan wadankaaan ayay lasoo daristay cabsi horleh oo ku aadan arimahaasi ayadoona laga yaabo in saameyn gaar ah ay ku yeelato ganacsiga Soomaalida ee labadaasi magaalo hadii qaraxyadaasi ay dhacaan.
Labo cisho ka hor ayay aheyd ka gadaal markii qarax xoog leh lala beegsaday goob Kaniisad ah oo ku taal caasimada wadankan ee Nairobi ayadoo qarxaasi uu dhaawac ay kasoo gaareen in kabadan toboneeyo ruux oo xiligaasi ku sugnaa Kaniisada.
Digniino dhowr ah ayay dirayeen labadii cisho ee lasoo dhaafay safaarada Mareekanka ee kenya oo ay uga digeyso muwaadiniinteeda in ay ku dagdagaan goobaha dalxiisa ee wadankaa ayadoona dhanka kalana xukuumada Kenya lagu wargaliyay qaraxyo ka dhaca wadankeeda.
Xarakada Alshabaab hogaankeeda wadanka Kenya ayaa balan-qaaday dhawaan in beegsan doonaan goobaha ugu muhiimsan ayadoona xiligaan ay kusoo beegmeyso maanta oo ay tahay fasax guud ee maalinta shaqaalaha aduunka.
View:183Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2078