|

Qaabka ay u galeen Fu’aad Shangole & Kooxdiisa buuraleyda Galgala.. WAR-HOOSE

Sheikh Fuaad Maxamed Qalaf iyo Sheikh Cabdulqaadir Cali Muumin oo ka tirsan Madaxda Ururka Al-Shabaab oo ay wehliyaan Tiro Dagaalyahano oo ka tirsan Ururkaasi ayaa dhawaan u gudbay Buuraha Golis ee Gobolka Bari.

Dadka reer Puntland ayaa iyagu mar qura waxa ay ku baraarugeen Cajalad Maqal ah oo uu buuraha Golis ka soo duubay Sheikh Cabdulqaadir Cali Muumin oo ah shaqsi ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo Dagaal kala soo horjeedaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Dowlada KMG ee Soomaaliya.

Inkastoo uu weli saxaafada ka hadlin balse waxaa la Rumeysanyahay in sidoo kale Ragii Buuraha Golis u gudbay uu ku jiray Sheikh Fu’aad Maxamed iyo Madax sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Sidee ayay ku dhacday in Sheikh Fuad Qalaf iyo Sheikh Cabdulqaadir Muumin ay u talaabaan Buuraha Golis.
Labadaasi Mas’uul iyo dhowr Dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka gudbay Kontroolka Galkacyo waxeyna kaga sii Talaabeen Buuraha Goolis gaar ahaan Deegaanka Galgala.

Mid ka mid ah Dagaalyahanada Al-Shabaab oo Magaciis qariyay sababo amaan awgiis ayaa inoo xaqiijiyay in Qaar ka tirsan Ciidamada Puntland ay ka warhaayeen soo gelitaanka Fuad Qalaf iyo Sheikh Cabdulqaadir Muumin ee Deegaanada Puntland.

Fu’aad Qalaf iyo Sheikh Cabdulqaadir Muuimin, ayaa la xaqiijiyay in ay soo galeen Deeganada Puntland, xili habeen ah markii ay gacan ka heleen qaar ka tirsan Ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa Ilaada ka ah Kantroolada Magaaladooyinka Boosaaso iyo Galkacyo.

Sidoo kale Dagaalyahanada Jihaad Doonka ee Al-Shabaab ayaa markii ay rabaan in soo galaan Deeganada Puntland,waxa ay sameeyaan xeylado gaar ah si ay ugu hortagaan in uu soo galo Tuhun ah in ay ka tirsan Al-Shabaab.

Wax yaabaha ay sameeyaan markii ay soo galayaan Deeganada Puntland ayaa waxaa ka mid ah in ay Xiiraan Garkooda, Timaha oo ay u Jartaan sida Dhalinyarada Qaarkood, waxaa kale oo ay soo qaataan Dhar gaagaaban oo ku dhegan.

Inkastoo la sheegay in inta badan ay jirto wada shaqeyn iyo xiriir hoose uu ka dhaxeeyo qaar ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kontroolada Puntland iyo Qaar ka tirsan Madaxda Al-Shabaab, balse Waxaa muuqato in qaar ka tirsan Ciidamada Puntland ay u dhaqmaan sida Qawda Maqashii Waxne Ha u Qabin.

Source: Warbaahinada Puntland

View:336

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2084

Posted by on May 3 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...