Kooxda Ahlu sunna Oo shaaca ka qaaday magaca ninkii isku qarxiyay Dhuusa-mareeb
Kooxda Ahlu Sunna ee ka taliya gobolada dhexe wadanka Somalia ayaa markii ugu horeysay carabka ku dhuftay magaca ninkii ka danbeeyay qarixii ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ka hadlay Kulan loogu baroor diiqayay Dadkii ku dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ayaa faah faahin ka bixiyay ninkii Weerarkmaasi ka danbeeyay.
Gudoomiyaha Waxa uu sheegay Ninkii Shalay is qarxiyay in lagu magacaabi jiray Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow oo ku dhashay Magaalada Muqdisho hasa ahatee maalmo kahor kayimid Degmada Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud.
Xeefow waxa uu sheegay in Ninkaas uusan Shabaab aheyn sida uu amainsan yahay uuna ahaa nin marqaan ah oo muqaadaraadka isticmaala hasa ahatee Shabaab maskaxda kasoo badaleen kuna soo shaqeesteen sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad badan oo Weerarkaasi loo soo xir xiray kuwaa oo lagu tuhmayo ku lug lahaanshiyaha weerarka isagoo intaa ku daray in uu wali socdo baaritaano arinkaasi ku aadan.
Docda kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa horey looga bartay in ay Cod kaduubaan ninka Isqarxinaya kahor inta uusan weerarka fuilin iyagoona soo deyn jiray Magaca qofkaas iyo Codkii laga duubay hasa ahaatee Wali Shabaab ma shaacin Magaca Ninkii isqarxiyay Shalay iyo Cod hadii laga duubay.
View:200Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2085