Wariye Farxan Jeemis Oo kooxo hubeysan ay xalay ku dileen Gaalkacayo
Waxaa xalay si arxan daro ah xalay lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug weriye Farxaan Jeemis C/lle oo ka tirsanaa wariyaasha Puntland.
Marxuumkan la dilay ayaa waxaa falkan waxuusnimo kula kacay kooxo baastoolado ku hubaysan kuwaas oo markii uu dilka dhacay goobta isaga baxsaday.
Mid ka mid ah goob joogayaashi arkayay marka uu falka dhacayay ayaa sheegay in rag baastoolado ku hubaysan ay dilka gaysteen ka dibna ay meesha isaga baxsadeen markii ay hubsadeen in uu geeriyooday alle ha u naxariistee weriye farxaan Jeemis.
Alle ha u naxariistee Farxaan Jeemis ayaa xiliga la dilayay waxaa uu ka soo baxay Idaacada Daljir waxaana dilkan loo gaystay xilli uu marayay gudaha magaalada isagoo u hoyaad tagayay gurigiisa. Farxaan Jeemis ayaa ahaa weriye ka howl galayay Idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo taas oo uu in muddo ah u shaqeynayay.
Haatan ayaa waxaa soconayo baaritaano ay wadaan ciidamada maamulka Puntlan oo ay ku doonayaa inay gacanta ku soo dhigaan ragii dilka weriyahan gaystay.
Arintan ayaa argagax ku beerays shacabka soomaaliyeed gaar ahaan weriyayaasha ku sugan soomaaliya.
Dhanka kale, Ma jirto cid ilaa hada wax ka qabata dilka loo gaysta weriayayaasha soomaaliyeed ee lagu dilo gudaha soomaaliya gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta soomaaliya.
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2087