|

Sh. Bashiir ” waan soo dhaweyneynaa go’aanka Madaxweyne Shariif”

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweysay hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku aadanaa in la magacaabayo guddi darsa qabyo qoraalka Dastuurka gudigaasi oo u badanaan doona Culimo Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in la magacaabayo guddi u badanaan doona Culimo ee darsa oo aqriya qabyo qoraalka Dastuurka. Sheekh Bashiir wuxuu sheegay in hadalka Madaxweynaha ee ah tan iyo inta aan la gaarin shirweynaha lagu ansixinayo qabyo qoraalka Dastuurka la horgeynayo qubaro Culimo u badan oo aqriya ay soo dhaweynayaan sida uu sheegay Sheekh Bashiir.
Sheekha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo handadaadaha iyo caga jugleynta loo jeedinayo dadka dastuurka ka soo horjeeda, isagoo hadalkiisa intaa raaciyey in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wanaagsan oo haddii si hagaagsan wax loo tuso wax badan ka badali kara xaaladda wadanka Soomaaliya.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ka hor inta aan la gaarin ansixinta Dastuurka Cusub la magacaabayo guddi u badnaan doona Culimo ee darsa oo aqriya qabyo qoraalka Dastuurka la doonayo in la ansixiyo 15 bishan aynu ku jirno.

View:294

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2099

Posted by on May 5 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...