Shir Muqdisho ka furmay
Shirweynihii Odayaasha dhaqanka ayaa maanta lagu wada in uu ka furmo gudaha magalada Muqdisho waxana sakay dadka reer Muqdisho ay la kulmeen wadooyinka oo ay dadsan yihiin Ciidamada Dowlada KMG oo sugaaya amniga magaalada.
Saakay ayaa waxaa lagu wada in si rasmi ah uu u bilowdo howlihii ay waday Dowladda KMG ah ee ku aadanaa marxaladaha kala guurka ah waxaana furitaanka shirka lagu wado in uu maanta furmo ayaa waxaa idaacada Kulmiye uga warbixiyay wasiirka Dowladda uqaabilsan arimaha Dustuurka Xasan Max’ed Jimcaale waxana uu sheegay in ay ergada shirka u furmaayo ay dhamaan soo gaareen goobta shirka lagu qabanaayo waxaana uu sheegay in uu furmayaa saacadaha soo socda.
shalay ayay aheyd marki uu Madaxweynaha Dowlada KMG ah uu sheegay in uu shirweynihii lagu soo xulaayay Ergada ansixinaaya Dastuurka uu bilowan doono maalinta sabtida ah oo maanta ku beegan.
View:156Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2100