Police-ka Kenya oo soo bandhigay ninkii dhawaan isku qarxiyay Nairobi
Police-ka wadanka Kenya ayaa sheegay in ninkii geystay qaraxii Axadii hore ka dhacay kaniisad ku taala magaalada Nairobi uu ka dambeeyay nin Kenyan ah oo tababaro ku qaaday gudaha wadanka Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada booliska Kenya Mathew Iteere oo shir saxaafadda loogu talo galay ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ruuxa kadambeeyay qarax ka dhashay bomb gacmeed lagu tuuray kaniisad Nairobi ku taala uu u dhashay wadanka Kenya hase ahaatee uu ka tirsanyahay Xarakadda Al-Shabab oo uu gudaha Soomaaliya ku tababartay waxaana qaraxaasi ku nafwaayay 1 ruux halka ay ku dhaawacmeen 15 ruux oo kale.
Mathew Iteere taliyaha ciidamada booliska Kenya waxaa uu saxaafadda u soo bandhigay sawirada qofka uu sheegay inuu ka dambeeyo qaraxii Nairobi dhawaan ka dhacay oo uu magaciisa ku sheegay Ilyaas Cumar.
Taliyuhu waxaa uu tilmaamay in inkastoo uu baxsaday qofkii weerarkaasi geystay haddana ay baadi goob ugu jiraan oo ay baaritaano wadaan sida uu yiri.
Sidoo kale taliyuhu waxaa uu xusay inay jiraan boqolaal dhalinyaro Kenyaati ah oo ku tababartay gudaha Soomaaliya kuna biiiray Al-Shabab iyo Al-Qacida ay dib ugu laabteen gudaha Kenya kuwaasoo qorsheynaya ayuu yiri inay weeraro ka geystaan.
Mathew Iteere waxaa uu sheegay in ciidamada booliska Kenya la galiyay heegankii ugu sareeyay kadib markii ay heleen xogta ku saabsan inay gudaha dalka ku jiraan boqolaal dagaalyahan oo Soomaaliya ku tababartay.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay inay wadaan howlgalo ay ku sugayaan amaanka wadanka xilli ay willi jirto cabsida ah in mar kale qaraxyo ka dhacaan.
Dawlada Kenya ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan waxaana ay ciidamadeedu ay koofurta Soomaaliya kula dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran.
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2101