|

Mombasa: Ciyaar loogu baroor diiqayay madaxdii Isboortiga Soomaaliyeed

Mombasa:- Waxaa maanta magaala xeebeda Mombasa lasoo gaba gabeeyay koobkii loogu baroor diiqayay allah ha naxariistee masuuliyiintii isbortiga somaliyed ee ku geeriyaatay qaraxii ka dhacay xarunta golaha murtida iyo mada daalada ee tiyaatarka qaranka ee magaalada muqdisho ku was kala ahaa Gudoomiyihii Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) & Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid (Mugaamb)e,

kooxkaan manta lasoo gaba gabeeyay ayaa waxaa finalka isugu imaaday labada kooxood ee ugu weyn magalada mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Dalka Kenya kuwaasoo kala ah Naadiga f c Elman iyo Naadiga Universal.

Labadan kooxood ayaa waxaa soo bandhigeen  ciyaar aad u xiiso badan misena lawada sugayay in muda ah, naadiga Elman ayaa ku hormartay goolka qeybtii hore ee ciyaarta kaasoo ay uga mahad celiyeen ciyaaryahanka kooda faarah cabdi goolkaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ciyaarta,

Qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa kooxda Universal waxa ay soo bandhigtay ciyaar wanaag aysan ciyaarin qeybtii hore ciyaarta taasoo u sahashay in ay dhamaadka ciyaarta ay helaan goolka barbaraha kaasoo uu dhaliyay halyeygoda malaaqoow ayna ku dhamaato barbaro 1-1 kadibna la isla aado rigoorayaal ayna guusha ku raacdo naadiga Universal .

Ciyaartaan aadka u xiiso badney ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kale duwan oo ka kala socday qeybaha bulshada rayidka ee magaalada mombasa oo uu horkacayo Guddomiyaha dhalinyarada & isbartiga jaaliyada somaliyed ee magaalada mombasa ee Macalin Ahmed Husein Qanyare misane soo qaban qaabiay koobkaan,

sidoo kale masuuliyiinta kasoo qeyb gashay ayaa waxaa kamid ahaa guddomiye kuxigeenka dhalinyarada & isbaartiga jaaliyada somaliyed ee magalada mombasa Abdi Salan Siise Yuusuf.

Guddomiyaha xisbiga  Mideynta & Hormarinta Dimuqradiyada Somaliya  prof: Mustafa Xaaji Nuur & waliba masuuliyiin kale.

Kooxda Universal ee ku guulaysatay koobka ayaa  waxaa koobka  gudoonsiiyay  Guddomiyaha xisbiga  Mideynta & Hormarinta Dimuqradiyada Somaliya  prof: Mustafa Xaaji Nuur oo kamid ahaa masuuliyiintii lagu casuumay gunaanudka koobkaan.

Markii ay soo idlaatay munaasabadii koob ku doonsiinta ayaa waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay gudoomiyaha dhalinyarada & isboortiga jaaliyada somaliyed ee magalada Mombasa Macalin Ahmed Husein Qanyare & Guddomiyaha xisbiga  Mideynta & Hormarinta Dimuqradiyada Somaliya  prof: Mustafa Xaaji Nuur ayagoo tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen halyeeyadii isbortiga somaliyed ee ku geeriyooday qaraxii arxan darada ahaa ee ka dhacay magalada muqdisho, Gudoomiyihii Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish),Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid (Mugaamb) & xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud ooh ore u ahaan jiray garsoorihii qaranka somalia ayagoo eebe oga baryay inuu janadii fardowso ugu bishaareeyo eheladoodana samir iyo imaan kasiiyo.

Ma ahan markii ugu horeysay koob loogu baroor diiqayo masuuliyiin ceykaan ah lagu qabto magaala xeebeeda Mombasa 2010-kii ayaay aheyd markii koob loogu baroor diiqayey alleha u naxariistee  Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble.

Somalpost.com Madasha Wararka Soomaalida.
Ahmed Issack Abdi (Laqaaye)
Mombasa-Kenya.

 

View:217

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2118

Posted by on May 7 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...