Madaafiic lagu garaacay degmada Hodan
Madaafiic khasaara geesatay ayaa habeennimadii xalay lagu garaacay Xaafadda soonakeey degmada Hodan ee gobolka Banaadir,madaafiicda ayanan la garaneynin halkii laga soo tuuray waxa ayna ku habsatay dhowr qoys oo iyagu ay kasoo gaartay khasaara isugu jira dhaawac iyo dhimasho.
Madaafiicda lagu tuuray xaafada Soonakeey ee Degmada Hodan ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa todobo ruux oo rayid ah halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Dowlada ayaa durbadiiba baaritaano ka sameeyay agagaarka xaafada Soonakeey iyaga oona baaraayay halka laga soo tuuray madaafiicda hayeeshe ma aynan helin macluumaad ku filin oo ku aadan halka madaafiicda laga soo tuuray iyo dadkii soo tuuray.
Dadka ku geeriyooday Madaafiicdaasi ayaa waxaa ku jiray hooyadii qoyskaasi iyo haween kale iyadoo labada ruux ee ku dhaawacmayna ay ahaayeen laba caruur ah sida ay xaqiijiyeen dadka deeganka.
View:258Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2122