Ahlu Sunada Bay & Bakool u hanjabay Shabaabka deegaanadaasi
Afhayeenka Ahlu-Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al qaadi ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii ciidamo ay u geeyn lahaayeen Gobalada Bay iyo Bakool siloo soo afjaro dagaalka Al Shabaab ee Gobaladaasi loogana saara deegaanada ay kaga sugan yihiin.
Sheekh Max’ed Xuseen Al qaadi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u tagayaan ciidamadaasi furmaha dagaalka kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood ay soo gaareen magaalada Garbahaareey si ay halkaasi ay kaga qaadaan duulaan iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ee horay u joogay Gobaladaasi.
Ahlu -Sunna iyo dowladda KMG ayaa shaacin tirada ciidamada ay geeynaya Gobalada Bay iyo Bakool balse ila wareedyo ku dhawdhaw labada dhinac ayaa sheegay in ay gaarayaan ciidamada loo qorsheeayay Gobaladaasi in ka badan 1,000 askari lamana oga waxa ay kusoo kordhin doonaan Gobaladaasi.
View:142Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2126