|

Saraakiil Shabaab ah oo gaaray Mudug

Wararka ka imaanaya gobalka Mudug ayaa sheegaya in saraakiil iyo ciidamo Badan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab ay gaareen deegaano ka tirsan gobalka Mudug iyadoo cabsi xoogan ay soo wajahday shacabkahalkaasi ku nool.

Shacabka ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in ciidamadaan ay fariisimo ka sameesteen deegaano badan oo maamulka Gal-mudug Hoostaga, waxaana maamulka galmudug uu wadaa abaabul xoogan oo ugu hortagaaya ciidamdaan taabacsan Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada hoostaga maamulkaasi.

Kulan albaabada u xiran oo yeesheen saraakiisha iyo masuuliyiinta maamulka Gal-mudug ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa ciidamadaan ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan dhulka maamulkaasi uu kataliyo.

Al-shabaab ayaa maalmahaan dambe waday inay ciidamo iyo saraakiil u diraan deegaanoka mid ah gobalada ay maamulaan maamul gobaleedyada Puntland iyo Gal-mudug si ay dagaalka ugu weeciyaan maamuladaasi oo ay doonayaan in culeeyska milatari ee ku heesta koofurta ay u wareejiyaan goobaladaasi.

View:227

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2128

Posted by on May 13 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...