|

Amaanka Gobolada Waqooyigi galbeed oo laga dayrinayo

Xoghayaha Dhanka ammaanka gobolka NFD Xasan Maxamed Shuuriye oo la hadlayay warabaahitna ayaa waxa uu ka hadlay ammaanka gobolka NFD iyo Sidoo kale muddooyinkii dambe sida uu ahaa.

Wuxuu sheegay in muddooyinkan dambe dhanka ammaanka Gobolka NFD uu ahaa mid aan wanaagsanayn isaga oo sheegay inay jiraan rag hub wata oo qal-qal galinaya ammaanka.

Xasan Maxamed Shuuriye Xoghayaha dhanka ammaanka ee gobolka NFD ayaa Sidoo kale sheegay in laamaha ammaanka ee u xilsaarnaa sugidda dhanka ammaanka ay si aad ah u gaabiyeen islamarkaana ammaanka uu noqday mid faraha ka baxay.

Xoghayaha Dhanka ammaanka ee gobolka NFD Xasan Maxamed Shuuriye waxa uu sidoo kale sheegay inay sameeyeen baaritaan kaddibna ay ogaadeen in cidda ammaanka dhibaataynaysa aysan ahayn Ururka Al-shabaab.

Wuxuu Carabaabay inay yihiin dhallinyaro isu tagay oo ammaanka qal-qalgalinaya xilli uu xusay in doorashada Madaxtinimo dalka Kenya ay soo dhawdahay islamarkaana ay wax ka qabanayaan.

Magaalada Mandheera ee Gobolka NFD ayaa waxa ka dhaca falal lid ku ah ammaanka iyadoo halkaasi ay ka dhacaan dilal kala duwan oo loo geysto dadka qeybohooda kala duwan iyo qaraxyo ka dhaca mararka qaar Magaaladaasi.

View:117

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2133

Posted by on May 15 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...