|

15-May waa maalin ku asteesan 69-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska Ururka Dhalinyaradda SYL taasi oo laga xusay magaalada Muqdisho.

Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka Soomaaliyeed (PDP) iyo Sidoo kale Golaha Qaranka Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ururo kale ayaa maanta si weeyn u maamuusay Xuska maalinta 15-May oo ku asteesan maanta oo kale.

Qudbado badan oo laga jeediyay madasha lagu xusayay 13-kii SYL ayaa waxaa lagu muujiyay sida dhalinyaradda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku daydaan 13-kii dhallinyaro ee SYL iyo sidoo kale sidii ay ugu soo halgameen xornimadda maanta lagu damaashaadayo.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Golaha Sare ee Dhalinyarada Qaranka Maxamed Sadiiq oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay haystaan fursad weeyn oo ku aadan in ay sameeyaan isbedel dhab ah oo looga baxo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Cali Sheekh Yaasiin xoghayaha garabka dhallinyaradda Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxa uu dhallinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay sameeyaan kacdoon isbedel doon ah isaga oo sheegay in ay ku daydaan dhalinyaradii SYL ee13-ka ahaa.

Waxa uu tusaalo usoo qaatay dhalinyarada qaar kamid ah dalalka carabta oo muddooyinkii dambe sameeyay isbedel ay ku doonayaan rabitaankooda ku aadan in dalalkooda isbedel uu ka dhaco.

Goobta lagu maamusayay 15-May oo ku asteesnayd 69-sano guuradii kasoo wareegatay halgamayaashii xornimadda Soomaaliyeed ee SYL ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo sidoo kale ruwaayado lagu muujinayay ku dayashada dhalinyaradda SYL.

Gabagabadii munaasabadda ayaa waxaa dhamaan dhalinyaradii kasoo qeyb galay ay sheegeen in ay ku dayanayaan halgamayaashii Soomaaliyeed ee SYL islamarkaana ay kaalin baaxad weyn ay ka qaadanayaan dib udhiska dalka iyo horumarkiisa.

View:163

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2143

Posted by on May 16 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...