|

Ciidamada DKMG Somaila oo guulo gaaray

Ciidamada DKMG oo weheshanaayo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramaaya in ay horumar lataaban karo ka sameeyen goobihii ay dagaalka kula wareegen ee Gobolka Shabeelada Hoose waxa ayna Ciidmada horay ugu durqeen deegaano katirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa DKMG ee kusugan duleedka Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaaa sheegay in ay kusii wajahan yihiin deegaano hor leh oo ay iminka ku dhuumaleysanaayan kooxaha Alshabaab ee laga ceeriyay inta badan Gobolada soomaaliya waxa ayna sheegen in Howlgalkooda dagaalka ahaa ee Gobolka Sh/hoose ay guullo lataaban karo ka gaaren Boqolkiiba baqol

Ibraahim Yuusuf Nuur Taliyaha Ciidamada dowlada ee howlgalka dhanka Gobollka sh/dhexe kawada ayaa sheegay in ay qabsadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen oo ku yaala Shabeelaha dhexe kaddib dagaal ay la galeen Ciidamada ururka Al-Shabaab oo iminka ku dhuumaaleysaneyso daafaha gobolada soomaaliya

Taliyaha ayaa rajo fiican ka muujiyay dagaalada ay kula jiraan kooxaha Alshabaab waxa uuna ku tilmaamay dagaalkaasi in uu yahay mid diinta islaamka ay raali katahay in muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu difaaco dalkiisa iyo dadkiisa

Ugu danbeyntii Taliyaha ayaa sheegay in DKMG ay dagaalkaasi kula wareegtay Deegaano hor leh
oo hoostaga Degmada Balcad,waxaana kamid ah meel Todobo KM ujirta deegaanka Caliyaale ee degmada Balcad.

View:226

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2200

Posted by on May 29 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...