|

Kismaanyo ayaan kusii soconaa

Saarkiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo dhawaanna ay la wareegi doonaan sida ay sheegeen.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobollada Jubbooyinka Muxumud Daahir Faarax ayaa Sheegay inay ku sii jeedaan Magaalada Kismaayo islamarkaana howgalka ay ka wadaan jubbooyinka uusan joogsan doonin.

Wuxuu sheegay Muxumud Daahir Faarax in inta Tuulo ama degmo ka mid ah gobollada jubbooyinka ay ku sugan yihiin ururka Al-Shabaab inaysan joogsan doonin dagaallada ay wadaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay waxay sheegeen inay gacantooda soo gashay degmada Afmadow ee gobolka jubadda hoose, halkaas oo ay horay uga arrimin jireen Ururka Al-Shabaab.

View:195

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2207

Posted by on Jun 1 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...