|

kulan kadhacay magalada mombasa oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada somalida ee ku dhaqan mombasa

mombasa:- Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen aqoonyahano. Waxgarad. Culima,uudiin. Ganacsato, siyaasiyiin.iyo waliba dhalinyaro. Ayaa manta waxaa lagu qabtay Pride inn hotel & conference ee magadani Mombasa ee xarunta gobolka xeebta kaasoo looga arinsanaye sidii ay somalida ku dhaqan magaladani Mombasa iyo nawaaxigeeda ay uga qeeb qaadan lahaayeen doorashada fooda inagu soo hayso iyo waliba sidii ay u midoowi lahaayeen.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada soomaaliyed ee magaladani Mombasa ee xarunta gobalka xeebta oo uu horkacayay guddoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee magaladani Mombasa maxamed ibraahim aboola .

Ugu horeyn kulanka waxaa kahadlay guddoomiyaha jaaliyada soomaaliyed ee magaladani Mombasa Maxamed Ibraahim Aboola isagoo ka warbixiyay u jeedada kulankaan iyo waxa uu xambaarsan yahay. Sidoo kale isna waxaa madasha ka hadlay sheeq cabdi wahaab oo qudbad iyo ayaadado quraan ah ka jeediyay, sheegayna in uu ku faraxsan yahay in kulan ceenkaan oo kale ah ay qabato jaaliyada soomaaliyed ee magaladani Mombasa,

Guntii iyo gaba gabadii ayaa kulanka waxaa laga soo saaray war murtiyeed oo ay ku saxiixnaayeen guddoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee magalada Mombasa maxamed ibraahim aboola iyo waliba muusee cawaale.

1-sidii dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaladani Mombasa iyo nawaaxigeen la,isu keeni lahaa loona wacyi galin lahaa,

2-in lasameeyo labo guddi oo ka howlgala magaladani Mombasa iyo nawaaxigeeda ku waasoo kala ah.

3-Guddi u taagan dhalinyarada iyo sidii sharci loogu heli lahaa ayna uga qeyb gali lahaayeen doorashada

4-markii lagaaro xiliga doorashada iyo sidii loo mideen lahaa codadka la iskugu keeni lahaa halmeel,

War murtiyeedka kadib ayaa waxaa lagu balamay in sedax isbuuc kadib la,isugu yimaado kulan ceynkaan oo kale ah.

Waa markii ugu horeysay kulankan ceynkaan oo kale ah oo ay qabato jaaliyada soomaaliyeed ee magaladani Mombasa ee xarunta gobalka xeebta loogan arinsanayo sidii ay soomaalida ku dhaqan magaladani Mombasa iyo nawaaxigeeda ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada ayna u midoowi lahaayeen,

Xafiiska Somalpost.com

Ahmed Issack Abdi (Laqaaye)

Mombasa-Kenya

View:305

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2299

Posted by on Jun 10 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...