koobkii is dhaxgalka bulshada reer mombasa oo lasoo gaba gabeyay
Waxaa gabi ahaanba lasoo gaba gabeeyay koobkii loogu magac daray (Is dhaxgalka bulshada reer Mombasa) ee mudooyinkaanba socday kasoo ay kasoo qeyb galay 16 kooxood oo ay kamid ahaayeen labo kooxaad oo ka soctay jaaliyada soomalida ee magaladani Mombasa kuwaasoo lagu kala magacaawo fc Elman iyo fc Universal,
Koobkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qowmiyada sawaaxiliga ee ku dhaqan magaladani Mombasa, u jeedkiisuna ahaa sidii ay isu dhaxgali lahaayeen bulshada reer Mombasa waxaana finalka isugu yimaadaan kooxahii ka socday jaaliyada soomalida ee magaladani Mombasa fc Elman iyo fc Universal kuwaasoo ah kooxaha kaliya ee aad u xifaalama
Labadani kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar cajiib ah misane soo jiidatay indhaha dadweynihii u soo daawasho tahay kuwaasoo u riyaaqay qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen kooxahaan kasocday jaaliyada somalida,
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 lakiin qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa koox walbo isku dayday sidii ay u hanan laheyd koobkaan ayna u jiiri laheyd kooxda kale ee kasoo horjeedo,
Kooxda Elman ayaa gool kaga naxsatay kooxda Universal laakiin manoqon mid ay sii xajistaan ama difaacday, dadaal dheeri ah oo ay sameysay kooxda Universal ayaa u suura gashay in ay la timaado goolka bareejada ah guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-1 kadibna la isla aaday gool kulaad ama rigoore guushana ku raacday kooxda Elman,
Markii ay soo idlaatay ciyaarta ayaa waxaa shabakada waarhinta caalamiga ee somalpost.com la hadlay guddoomiyaha dhalinyarada & isboortiga jaaliyada soomaaliyed ee magaladani mombasa Macalin Ahmed Husein Qanyare isagoo kawar bixiyay sidii ay ciyaarta u dhacday iyo shucuurtiisa waxa uu yiri, “koobkaan waxaa soo qaban qaabiyay qowmiyada sawaaxiliga ujeedkiisana waxuu ahaa sidii ay isu dhaxgali lahaayeen bulshada reer Mombasa dhalinyarada somaliyedna loo tusi lahaa micnaha uu leeyay is dhaxgalka waxaana kasoo qeyb galay 16 kooxood oo ay kamid ahaayeen labo kooxood oo ka socotay jaaliyada somalida ku dhaqan magaladani Mombasa finalka waxaa isugu yimid labadii kooxood ee kasocday jaliyada somali ayuu yiri” guddoomiyaha dhalinyarada & isboortiga jaaliyada soomaaliyed ee magaladani mombasa macalin ahmed husen qanyare,
Sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “dhowr mar ayeey kooxo ka socda jaaliyada somalida yimaadeen finalka laakiin waxaa mucjiso ku noqotay dhamaan bulshada reer Mombasa in ay labo kooxood oo ka socda jaaliyada somalida final isugu yimaadan , hadaa nahay jaaliyada somaliyeed ee reer Mombasa iyo dhamaan shacabka soomaaliyed meel walbo oo ay joogaan waxaa farxad inoo ah in labadaan kooxaad ay kor uqaadaan magaca somalida ugu danben waxaan kula dar daar mayaa dhamaan dhaliyarada somaliyed in ay isku dayaan in had & jeer kor u qaadan magacooda iyo kan dalkooda ayuu sii raaciyay” guddoomiyaha dhalinyarada & isboortiga jaaliyada soomaaliyed ee magaldani Mombasa macalin Ahmed Husein Qanyare oo wijigiisa laga dheehan karay farxad aad u weyn iyo qiiro wadaniyad
Isku soo wada duuboo Waa markii ugu horeysay koob ceykaan oo kale ay final isugu yimaadan labo kooxood oo kasocda jaaliyada soomaaliyed ee ku dhaqan magaladani Mombasa kuwaasoo baal dahab ah ka gashay taariikhda isbortiga ee magaladani Mombasa ,
Xafiiska Somalpost.com
Ahmed Issack Abdi (Laqaaye)
Mombasa-Kenya
View:502Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2417