Dastuurka oo la ansixin doon maalinta…
Wasiirka wasaarada Dastuurka Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay ansixin doonto Dastuurka Cusub ee uu yeelan doono dalka Somalia, Wasiirka wasaarada DKMG C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadlaayay warbaahinta Magaalada Muqdisho ay sheegay in shirka uu iminka galay maalinta Todobaad islamarkaana uu ku dhow yahay gabagabo
C/raxmaan Xoosh ayaa dhanka kale sheegay in xiligaani Odayaasha ay ku mashquulsan yihiin soo afjarida Shirka Dastuurka islamarkaana ay ka doodayan Dhowr Qodob oo ku qoran Dastuurka, Mr Xoosh oo la hadlaayay warbaahinta ayaa yiri ‘’ Waxan rajeynaynaa in Dastuurka aan ansixin doono maalinta Arbacada ah, xiligaani waxaa gabagabo noo ah Shirka Ansaxinta waxaana socda Doodo aan ugu tala galnay in looga doodo Dastuurka dhaqan galintiisa ‘’ Sidaa waxaa yiri Wasiirka wasaarada Dastuurka
Dhanka xiga C/Raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hada uusan jirin waxmuran ka taagan Dastuurka islamarkaana wax waliba ay yihiin sidii loogu talo galay.
Ugu danbeyntii waxaa la filaaya in Galinka hore ee maalinta nagu soo beegan ee Arbacada ah lasoo gabagabeyn doono Shirka Ansaxinta Dastuurka murunka ka taagan yahay
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2776