56-sarkaal oo heersara ah ayaa Muqdisho soo gaaray
Saraakiil ciidan oo si gaar ah u tababaran ayaa waxay maanta soo gaareyn Magaalada Muqdisho, iyagoona ka qeyb qaadan doona qorshaha lagu suggaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
kaaliyaha taliyaha ciidamada booliska Martin Amoru ayaa wuxuu sheegay in maanta Magaalada Muqdisho ay yimaadeen tiro dhan 56 saraakiil oo ka socota Dowladda Uganda, kuwaa oo uu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.
Saraakiishaan ciidan ayaa waxay Dowladda Uganda shaaca ka qaaday inay horudhac u yihiin boqolaal ciidamo ah oo ka socda Dowladda Uganda, oo ka qeyb qaadan doona ammaanka Magaalada Muqdisho.
Keenista ciidamadan ka socda dalka Uganda oo ah kuwo Boolis ah dalka Soomaaliya ayaa imanaysa labo bilood kadib markii heshiis isfaham ah uu dhex maray dowlada Uganda iyo ururka Midowga Afrika.
View:107Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2805