Ciidamda DKMGS oo dhac & boob ka wada Suuqa-xolaha
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa dhac iyo boob ka geestay habeennimadii xalay Xaafadda Suuqa xoolaha, Kooxahaasi ayaa lagu soo waramaaya inay dhac u geesteen in kabadan 7 Dukaan oo ku yaala xaafadaasi.
Xassan C/llahi oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafada Suuqa xoolaha ayaa shabakada Markonews u sheegay in habeennimadii xalay dhac loo geestay Dukaamadaasi waxa uuna yiri Xassan ‘’walaal habeennimadii xalay waxaa dhac loo geestay in kabadan 7 Dukaan waxaana dhaca geestay rag ku hubeysnaa Bastoolado oo aan la garaneynin halka ay kasoo jeedan fakir ahaan ama mab’da ahaan durbadiiba kooxahaasi waxa ay ka fagteen goobta ‘’ sidaa waxaa yiri Xassan C/llahi.
Xassan waxa uu sheegay in kooxaha hubeysan ay ku labisnaayen Dareeska Ciigamada DKMG Somalia mana aynan jirin wax yeelo ay gaarsiiyen milkiilayaasha dukaamadaasi iyo waliba dad weynaha halkaasi ku sugnaa
Ugu danbeyntii waxaa sidoo kale dhac loogu geestay xaafadaasi Tiro barakacayaal ah oo iyagu kusoo barakacay xaafadaasi suuqa xoolaha
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2810