|

Liis xubno Islaax ah oo dib uu u celiyay madaxweyne Shariif

Madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in uu soo celiyayay magacyada qaar ee ka mid ah liisaska xubnaha beelaha ay gudbiyeen ee ka mid noqonaaya Baarlamaanka cusub , iyadoo magacyada shqsiyaadka uu soo celiyay Madaxweynaha ay yihiin kuwa ka tirsan xarakooyinka qaar ee kajira Soomaaliya.

Liiska shaqsiyaadka Madaxweynaha uu celiyay ayaa sababta ka danbeeysa lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Islaax labadeeda garab ee lagu kala Magacaabo ( Islaax Dhiigi Hore ) iyo (Islaax Dhiiga Cusub), waxaana la sheegay in Madaxweynaha dowlada KMG uu ka cabsi qabo in ay dar dar la soo baxaan xarakooyinkaa oo ay u sharaxan yihiin C/Raxmaan Baadiyow iyo Xassan Sheekh , isagoo beelaha ay ka socdaan shaqsiyaadka u sheegay in ay soo xushaan dad kale oo aan aheen magacyada u soo celiyay oo keenaan shaqsiyaad u qalma in ay matalaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay .

Waxaana Madaxweynaha uu ka cabsi qabaa hadii uu aqbalo magacyada ay soo gudbiyeen beelaha ee ka tirsan xarakooyinka qaar in ay saameeyn ku yeelata doorashada taa oo keeni karta in awood ay ku yeeshaan Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynimada ee dhiic doonta dhamaadka bishaan.

Hadaba arrintaan ayaa waxaa si aad ah ugu carooday Musharaxiinta ka tirsan xarakooyinka , iyagoo Madaxweynaha ku eedeeyay in fara gishtay howlaha Odayaasha dhaqanka iyo gudiga farsamada ee loo xilsaaray in ay soo xulaan xubnaha Baarlamanaka Cusub .

View:198

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2844

Posted by on Aug 7 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...