Yusuf Garaad oo isaga tagay BBC-da
Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad ayaa shaaciyey inuu ka tagay Shaqadii uu hayay.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa warkan ku baahiyey aalada Facebook, isagoo sheegay inuu dalka Soomaaliya dib ugu laabto.
“Waxaan 20 Sanadood kadib maanta aan ka tagay BBC World Servise oo aan u ahaa Madaxii Laanta Soomaaliga, waxaan dib ugu laabanayaa dalkeyga Hooyo si aan uga qeyb qaato xasilinta iyo dib u dhiska dalka” sidaas waxaa yiri Yuusuf Garaad Cumar.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe hadal hayay warar kala duwan oo sheegaya in Yuusuf Garaad uu ka tagayo shaqada BBC-da isla markaana dalka dib ugu laabanayo si uu u shaaciyo Mushataxnimadiisa doorshada Soomaaliya.
Yuusuf Garaad in kastoo uusan si rasmi ah u shaacin inuu yahay Musharax ayaa haddaba dhanka kale hadal heynta ay noqotay mid isa soo taraysa maalinba maalinta ka sii dambeysa.
Yuusuf Garaad ayaa wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta mudada dheer ka soo shaqaynayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana waqtigiisa inta ugu badan uu ahaa Madaxa laanta Soomaaliga ee BBC.
20-bishaan Agoosto ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagi qabto doorshada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasi oo ay ka qaybgalayaan musharixiin aad u badan kuwaasi oo qaarkood haatan ay joogaan Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee lama oga in haddii Yuusuf Garaad ku guuldareyso Doorashada Madaxtinimada inuu dib ugu laabto shaqadii BBC-da ee uu hadda ka tagayo.
View:220Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2845