|

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Saraakiisha Amisom oo wada kulmay

Kulan xasaasi ah ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom, iyagoona ka wada hadlay dhawr qodobo oo xasaasi ah.

Saraakiishaan ayaa waxay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin sidii ay u suggi lahaayeen ammaanka Magaalada Muqdisho, waqtiga la-qabanaayo Xilliga Doorashada Madaxtinimo iyo sidii Ciidamadda Booliska ee Amisom ay uga hawl-geli lahaayeen Saldhigyada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Samad Macalin Maxamuud, oo kulankaan hadal-dheer ka jeediyay ayaa waxay Saraakiisha Amisom ay isku afgarteen, in doorashada la-qabto xilligii loogu talla-galay, oo ah 20-ka bisha Agosto.

Wasiirka ayaa wuxuu Saraakiisha Amisom uu ka gudoomay 140 askari oo boolis ah, oo ka socda dhinaca Amisom, waxaana loogu talla-galay inay ka hawl-galaan Saldhigyada ku yaalla Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshaha Ciidamadda Booliska looga hawl-gelinaayo Saldhgyadaan ayaa waxay la-xriiirtaa, sidii loo-adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho, loogana hortaggi lahaa weeraro walba oo ay maleygeyso Al Shabaab.

Si kastaba ha-ahaatee kulankaan oo ka dhacay Xaruunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay Saraakiisha Dowladda iyo kuwa Amisom ay isku waafaqeyn, sidii ammaanka lagu adkeyn lahaa.

View:129

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2899

Posted by on Aug 11 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...