24-saac ka dib wariyihii labaad oo lagu dilay Muqdisho.
Allaha u naxariistee Waxaa Goordhaw dhaawac ugu geeriyooday magalada Muqdisho wariye Maxamuud Cali Yare (Buneeste). Oo rasaas ay ku fureen ciidamada DFKMG Somalia.
Wariyaha ayaa ka mid ahaa Saxafiyiinta ka howl gala Magalada Muqdisho, waxaana dhawac kasoo gaaray kaddib markii ay israsaaseyn dhex martay ciidamo ka wada tirsan DKMG Soomaaliya.
Saxafiga ayaa la sheegayaa in uu u dhintay dhawaacaasi sida ay sheegayaan warar dheeri ah oo aan ka helayo magaalada Muqdisho. Waxaana la sheegayaa in rasaasta ay kula dhacday isagoo xiligaasi ku sugan isgoyska xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Wariye Buneeste ayaa hore uga mid ahaa warfidiyeenada qurbajoogta ah ee ku sugnaa dalkani Kenya, balse waxa uu magaalada Nairobi ka tagay ka gadaal markii ay xanuusatay hooyadiis oo ku noolayd magaalada Muqdisho walow markii uu u tagayna ay u xijaabtay xanuunkii hayay.
Dhamaan bah weynta saxaafada Soomaaliyeed ayaa aad uga xun dilka wariyasha sida gaar ahaaneed loola beegsanayo ayadoona 24-saacadood ka iska magaalada Muqdisho lagu dilay wariye rogcadaa Yuusuf Maxamed oo ka mid ahaa madaxda wakaalada wararka SONNA.
View:292Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2919