Dhibanaha dhibtiisa la aamusan… By: Waris Maxamed
12-ki bishan ayay ahayd markii muddo ka yar 12 saacadood lagu dilay laba Wariye gudaha magaalada Muqdisho, taasina wexey sii xoojinaysa dhibta lagu hayo warfidiyeenada Soomaalida.
Murugadu maalinba maalinta ka dambaysa waa mid noo sii kordhaysa, dhiigeenuna waa mid la sii daadinayo, dadkeenuna waxay noqdeen kuwa nagu eeganaya dhibaatada noo gaarka ah ee noqotay hantideena ma guurtada ah ee dhaxalka aan u yeelanay hadii aan nahay weriyayaasha Soomaaliyeed.
Dalkeena waxuu noqday meel nalagu gumaado oo lagu banaysto dhiigeena, ciideenii hooyo waxay noqotay mid ku ayaan daraysatay in maalin walba dusheeda nalagu dilo, nalagu dhaawaco isla markaana noogula hanjabo.
Sida aan u dhannahay waxaan nahay kuwa ku fakara oo kaliya goorma ayaa lagu dilayaa, intee laguugu dilayaa iyo side laguu dilayaa, halki aan ku fakari laheyn in aan soo saarno barnaamijyo dhaxalgal ah.
Waxaan shaqo tagnaa inagoo ku fakarayna waadba dhimanaysaaye waa halkee? waase hadma?.
Markii hore waxaa xaaladeenu ay ahayd in nalagu dilo wadooyinka iyo agagaarka goobaha shaqada, hadase waxaa nalagu ugaarsadaa xitaa guryaheena, maadaama kooxaha ku caanbaxay dilka wariyayaasha ay albaabka guryaheena nagu sugaan.
Weeraro iyo ugaarsi ayaa nalagu hayaa, laakiin ma jirto cid difaac noo ah ama garab na siisa iyadoo dadka oo dhanna ay u jeedaan dhibka na heysta.
Waxaan dareenaa inaan nahay kuwa ku cidlooday dalkooda, ka hiilo waayay dadkooda, ku hanti waayay shaqadooda, ku han weyn dhismaha dalkooda kuna hungoobay howshooda.
Waxaan shaki ku jirin inaan noqonay weriyayaasha ugu nasiibka daran caalamka, Soomaaliyana waxay noqotay meesha kaliya ee ugu gumaadka badan weriyayaasha marka loo eego caalamka.
Arintani waa mid soo jireen aheyd sanadihii ugu dambeeyay waxayna noqotay mid iska caadi ah oo fajac kuma noqoto shacabkeena.
Marka la dilo weriya waxaa hadalka shacabku uu noqdaa Yaa la dilay? Weriye, waa iska caadi, Yaa dilay? Lama yaqaan kolay laba nin ama sadex nin oo baastoolado wato ayay ahaayeen.
Dowladuna waxaa hadal hayskeeda yahay waan raadinaynaa, waan ku raad joognaa, waan soo qabanaynaa iyo hadalo aan dhaamin balse aan ficil la jirin.
Su’aasha meesha taal ayaa waxaa ay tahay Weriyuhu ma ugaar baa? Ma dambiilaa? Maxaa noola dilayaa? Maxaa Target naga dhigay?.
Dhamaan jawaabaha su’aalahan waxay hoos imanayaan oo kaliya in noola dilayo Maxaad runta u sheegtaan? Su’aashaas ayaa ah jawaabaha su’aalaha kore.
Si kasta oo noola dilo, noola handado ama noola dhaawaco hadana ma jirto cid ka damqata dhibteena ama wax ka qabata.
Lama waayo cid sheegata masuuliyada dilkeena ee maxaa loo waayay cid naga damqata ama noo muujiso hiilo si aan ugu niyad samaano howsheena.
Dadka na dila, noo hanjaba, na ugaarsada, quuta dhiigeena ka xun howsheena ma waayeen inay sameeyaan wadahadal ay nala galaan hadiiba ay jiraan wax ay tabanayaan oo ay is leeyihiin halkan ayay ciladi ka jirtaa.
Wadahadal iyo xurmo hadii la waayana saxafigu awood uma helayo inuu ku dhex shqeeyo xaalad jahwareer ah.
Qof walba waxa uu xaq u leeyahay inuu helo xoriyada hadalka iyo fikirkiisa, xaq inuu u helo akhbaar ama uu soo gudbiyo iyadoo aan loo eegaynin xaduud, midab ama jinsiyad.
Xaalada musiibada iyo mashaqadu oo nolosha iyo geeridu isu dhinac yaalaan suxufiga waxa uu awoodaa inuu noloshaas adag uu is badel ku sameeyo.
Runta hadii laga hadlana Saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya waxay qabatay howl wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaana wadanka ay ka dhalisay is badelo dalka u horseeday hindiso nabadeed oo muuqan karo.
Marka ma ahayn in nalagu dilo howsha aan u hayno dalkeena iyo dadkeena abaal marinse waxaa nalooga digay Dil, dhaawac iyo Handadaad.
Si kastaba haatan hadii aan nahay weriyayaasha xorta ah ee Soomaaliyeed kaliya waxaan wadanaa magaca ah weriyayaasha ama madaxa banana balse waxaan ku jirnaa gumaysi nafsadeed oo aanan garanayn cida nagu haysa iyo sababta keentay.
Sidoo kale waxaan is weydiinaa markasta maxaa naloo ugaarsadaa? Maxaa keenay in nala dilo? Goormaanse ka bixi doonaa marxaladan? Iyo su’aalo kale oo lamid ah.
Muddo ku siman 20sano ayaan ku jirnaa marxaladan naf la caariga ah iyo dilalka weriyayaasha lagu hayo ee soomaaliya ay ku caan baxday.
Ku dhowaad in ka badan 50 Weriye oo Soomaali iyo Ajaanib leh ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya ilaa sanadii 1992-kii.
Si walbaba shacabkeena iyo wadankeena ayay tahay waxa aan u dhimanayno, dadkeenana waxaan dareensiinaynaa inay yihiin halbowlaheena inaguna aan nahay indhihii hagayay.
Inkastoo aan jecelnahay inaan u halgano wadankeena waxaan saamaxayn daruufta adag ee aan marayno marka aan ku jirno howlaheena shaqo.
Hadaba aqriste waxaad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhab ah ee miyaysan kula ahayn in dhiigeena oo daata maalin walba ay tahay nasiib darro u soo hoyata ummada soomaaliyeed.
Gunta iyo gabagabada ayaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan (Geesiga Dhulkiisa Guusha u horseedaa Geerida dishaay geedkaa ha ba’o).
Hadaba suxufiga oo aad ilaaliso in shaqadiisa uu u guto si xor ah waxay ka dhigan tahay adiga oo ilaaliyay xaquuqda dadka oo dhan, Warbaahinta oo aad caawisaana waxay hor seedi kartaa deegaan nabdoon.
W/Q Wariye Waris Mohamed Ibraahim.
Email:warism15@hotmail.com
Tell: +254 701 499 363, ama +254 721 993 894.
Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2950