|

Howlgalkii AMISOM Kismaanyo oo dib u dhacay

Waxaa dib u dhac ku yimid qorshe Ciidamada AMISOM ku doonayeen inay ku qabsadaan magaalada Dekeda leh ee Kismaayo dhamaadka bishan, iyadoo Saraakiisha hogaamineysa howl galkaas looga yeeray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka qorshahan oo ujeedkiisa ahaa in saddex jiho laga weeraro Kismaayo, sida Badda, Cirka iyo dhulka ayaa waxaa dib u dhacan ku yimid lagu tilmaamay mid looga fikirayo sidii qorshaha dagaalka loo bedeli lahaa.

Ilo wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegaya in arrimaha ugu weyn ay tahay bur burka diyaaradihii Uganda soo dirtay oo ku soo wajahnaa Soomaaliya, kuwaas oo qorshahooda ahaa inay ka qeyb qaataan howl galka lagu qabanayo Kismaayo.

Saraakiisha AMISOM ee isugu jira kuwa Kenya iyo saraakiisha kale ee ka kala socda dalalka Ciidamada ka joogaan ayaa muddo todobaad ku sugnaanaya Nairobi, si ay u sii dejiyaan qidada dagaal ee ku wajahan magaalada Kismaayo.

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay dagaal xilligan lagu qaado magaalada Kismaayo, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare ka soo gaaro dadka rayidka, iyadoo dhowr cisho ka hor duqeyn ay geysteen maraakiib dagaal ay ku dileen dad ay ku jireen caruur.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay qorshayaal dagaal ku wajahnaa magaalada Kismaayo, kaasoo xoogiisa ay wadeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasoo bilihii la soo dhaafay u soo gar-garuunayay magaalada muhiimka ah.

View:156

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2955

Posted by on Aug 15 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...