Aqriso Magacayada gudiga farsamda DKGMS
Guddiga farsamada ee dowlada u xilsaartaysoo xulista Baarlamaanka ayaa soo celiyay in ka badan 50 xubnood oo ka mid ahaa xubnaha beelaha ay gudbiyeen , waxaana xubnaha beelaha ay gudbiyeen ee la soo celi ayaa u badan xubna ka tirsan Xarakada Alasheekh , hogaamiya kooxeedyadii hore iyo wasiiro ka tirsanaa xukuumadihi hore kuwaa oo sheegeen guddiga farsamada in ay matali karin xubnaha Baarlamaan Soomaaliyeed maadaama ay ka soo qeyb qaateen burburinta wadanka oo aan loo saamaxeeyn xilligaan in ay xubin ka noqdaan dowlada soo socota , iyadoo qaarkood lagu eedeeyay lunsasha lacag xilliga ay ahaayeen wasiirada .
Shabakada Markonews.com ayaa heshay magacyada qaar ee xubnaha ay soo celiyeen guddiga farsamada ee u xilsaaran sooo xulida Baarlamaanka , Magacyadaa waxa u badan hogaamiya kooxeedyadii hore ee Soomaaliya , gacan yarayaashoodi iyo xubna ka tirsan xarakada Madaxweynaha uu ka tirsan yahay ee Alasheekh.
Magacyada ay Markonews heshaya ayaa waxaa ka mid Max,ed Qanyare Afrax iyo wiilkiisa , Muusa Suudi Yalaxoow , Salaad Cali Jeele , Max,ed Cumar Xabeeb (Max,ed Dheere) , Sheekh Adam Madoobe , Barre Aadam Shire ( Barre Hiiraale) , Maxamuud Sayid Adam , Col Isaaq Biixi , Cabdi Xassan Cawaale Qebdiid , Xuseen Ceeydiid , Yuusuf Mire Seeraar , Max,ed Siciid Xirsi (Moorgan) Cumar Finish , Bootaan Ciise Caalim( Xaaraan ku naax) , Yuusuf Max,ed Siyaad Indhacade .
Dhanka kale xubnaha Xarakada Ala sheekh ee la soo celiyay ayaa waxa ugu cad Sheekh C/Qaadir Cali Cumar , C/Kariim Xassan Jaamac .
Sidoo kale xubnaha la soo celiyay ayaa waxaa kamid ah wasiira hore oo ka tirsanaa xukuumadihi la soo maray dalka , waxaana ka mid Musharaxa C/Raxmaan C/Shakuur , Jurinle , , iyagoo lagu eedeeyay in ay lunsadeen lacago xilliga ay ahaayeen wasiirada , waxaana sidoo kale xubnaha la so ceiyay kamid ah laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad Macali iyo wasiirka naftada iyo macdanta C/Qaadir Dhicisow.
Hadaba guddiga farsamada soo xulida baarlamaanka ayaa ah kuwa awood u leh wax kabadalka liiska magacyada ay gudbiyeen beelaha , waxaana arrintaan ay umuuqata in hogaamiya kooxeedyadii hore iyo shaqsiyaadka qaar ee loo heeysta musuq maasuq ay ka soo muuqan doonin baarlamaanka cusub
View:186Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2968