|

Aqoonsiyo loo sameynayo xildhibaanada cusub

Iyadoo xalay la shaaciyay inta badan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kamid noqonaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in maanta xildhibaanada inta badan loo sameynayo kaararka Aqoonsiga.

Waxaa la sheegay in maalinta beri ah ay yeelan doonan kulankoodii ugu horeeyey, halka maalinta Isniintana ay go’aan ka gaari doonaan wakhtiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in liiska Xildhibaanada cusub ee lasoo bandhigay, waxaana uu intaasi ku daray in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub maanta marka loo qaybiyo kaararka kadib ay berri dooran doonaan Guddoomiye KMG ah oo loo dooran doono ninka ugu da’ada weyn.

Wuixuu sidoo kale sheegay in maalinta Isniinta ah ay yeelan doonaan kulan islamarkaana go,aan ay ka gaari doonaan doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaan weli lasoo dhameestirin waxaana iminka la shaaciyay kaliya tiro gaareysa ilaa 202 xildhibaano kuwaasi oo hada si hordhac ahaan ah loosoo bandhigay liiskooda.

View:148

Short URL: http://www.somalpost.com/?p=2974

Posted by on Aug 18 2012. Filed under SOMALI NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • find your power animal: Whats up! I just wish to give an enormous thumbs up for the good data you have here on this...