Madaxweyne Shariif oo ku eedeey dilkii Fantaastik Kooxda Shabaab
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galaya shirka 18-aad ee hoggaamiyaasha midowga Afrika uga socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa cambaareeyay dilka agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo sabtidii ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dilka agaasimaha ku tilmaamay mid arxan daro ah, bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay dilkiisa in ay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadaan Booliska baaritaano ku aadan siddii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay kuwaas oo ay wadaan Booliska.
Wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ku siiyaan Booliska siddii loo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay dilka agaasimihii Shabeelle.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammanay Dowladda Iran doorka ay ka qaadatay u gargaarida dadka Soomaalida ee ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Iran iyo Soomaaliya in uu xiriir taarikhi ka dhexeeyo isagoona u mahadceliyay hoggaamiyaha kacaanka islaamiga Ayatollah Seyyed Ali Khamenei iyo dowlada kuwaas oo gacan qeyn ka geestay dadka iyo dowladda KMG ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iran Cali Akbar Saalixi oo hadda ku sugan caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay Iran in ay ka go’antahay siddii ay u caawin lahaayeen qaranka Soomaaliya oo dhibaato ay haysato, wuxuuna u rajeeyay in ay ka baxaan dhibaatada la hartay.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Dowladda Islaamiga Iran in ay soomaaliya ku caawisay dhisida labo Isbitaal, toddobo xarumo oo ah kuwa bukaanka lagu daweeyo iyo 20-xarumood oo ay dagan yihiin dadka soo barakacay.
Wuxuu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Iran dalkiisa in uu diyaar la yahay sidii Soomaaliya ay gacan uga siin lahaayeen wax soo saarka beeraha iyo horrumarkooda iyo xalinta Mashaakilaadka kale ee haysta.
View:296Short URL: http://www.somalpost.com/?p=803